Weerar culus oo is-miidaamin ah ayaa maanta lagu qaaday Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa la mid ahaa kuwii ka horeeyay ee hotelkaasi iyo inta badan hoteelada Muqdisho lagu qaaday labadii sano ee ugu danbeysay.
In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inau ku dhinteen qaraxa oo uu ka mid yahay qofkii is miidaamiyay, waxaana sheegatay kooxda Alshabaab.
Waa qarixii labaad ee maanta ka dhaca Muqdisho kadib qarax hore oo saaka ka dhacay degmada Wadajir
SAWIRRO

