Kulan weyn oo ay ka qeyb galee Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaan, odayaal dhaqameed iyo qeybaha bulshada ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo si la yaab leh loo soo agaasimay ayaa lagu taageeray Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, waxaana lagu shaaciyay in hoggaanka gobolka Banaadir iyo maqaamka Muqdisho looga danbeyn doono Guddoomiyaha Gobolka.
Kulamn-weynaha waxaa ka dhex muuqday dhammaan odayaasha dhaqanka beelaha Muqdisho, wasiirada iyo qeybaha bulshada, waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre uu ka caddeeyay in Guddoomiyaha Gobolka iyo maamulkiisa ay yihiin cidda hogaamineysa xuquuqda Gobolka.
DAAWO SAWIRRO