Friday, June 27, 2025

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay Haweenka xildhibaanada ah ee labada Aqal

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan qado sharafeed ah la qaatay haweenka iyo xildhibaanada haweenka ah ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale.

 Waxana jeedka kulankani uu ahaa sidii looga hadli lahaa wada shaqayn dhex marta dawladda iyo Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana looga xaajoonayay sidii wadajir looga qeyb noqon lahaa gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, isagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka. Wuxuuna ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxana ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada la doonayo in lagu samata-bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo biyo la’aanta isla markaana xukuumadda uu soo dhiso doono ay ka shaqayn doonto u adeeggidda baahiyada gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa ku aadan in il gaar ah lagu eego xaaladda daran ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

DAAWO SAWIRRO


 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON