Shir looga hadlayo Dhuxusha iyo arrimaha ka dhasha ee nabaadguurka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho , iyadoo ay soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Bii’ada.
Shirka waxa ka qeyb galay dowladaha deeqda bixiya, Hay’adaha Q/Midoobay, Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirka furay ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Soomaaliaa Mahdi Maxamed Guuleed.
Arrimaha shirka looga hadlayo waxaa ka mida jarista dhirta ee waxyaallo ba’an ku heysa Degaanada Soomaalida, Dhuxusha dalka laga dhoofiyo oo sii kordheysa iyo weliba Dhuxusha gudaha dalka Gudihiisa lagu Isticmaalo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii loo umeelmarin lahaa sharci mamnuucaya jarista dhirta iyo dhoofinteeda, taasoo qeyb ka qaadaneysa joojinta jarista dhirta.
Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dr. Declerk ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashaan doonaan qaabkii loo heli il kale oo lagu bedelo isticmaalka dhuxusha oo Soomaali badana ay isticmaasho.
Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in labo maalmood uu ka socdo Magaalada Muqdisho iyada oo la faliyo gabagabadiisii in laga soo qodobo muhiim u ah joojinta xaalufka lagu deegaanka.
Imaaraadka Carabta oo ah dalka ugu weyn ee Dhuxusha Soomaalida loo dhoofiyo ayaan ka dhex muuqan shirkan oo Qaramada Midoobay dooneyso in tallaabo laga qaado kooxda Alshabaab ee dhaqaalaha ka hesha Dhuxusha iyo dalalka dhoofsada.