Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu aasay Allaha u naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin iyo wiil uu adeer u yahay oo darwal u ahaa.
Aaska waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbalnd, labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin iyo dadweyne, waxaana Aaska ka hadlay Axmed madoobe oo sheegay in la iska kaashado sidii looga hortagi argagixisada, lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilaahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is-miidaaminta ahaa ee qof isku rakibay waxyaabaha qarxa ku qaaday xilli uu mas’uulkaasi ku sugnaa Masjid ku yaalla Magaalada Kismaayo.


