Dawladda Talyaaniga ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaari oo labo kamid ah ay yihiin nooca BMW, kuwaasoo la sheegay inay ku xiran yihiin Qalab fududeynaya ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.
Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Carlo Campanile ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyey Documents-ka iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka warbixin uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.
“Dawladda Talyaaniga, ayaa maanta nagu wareejisay Seddex gaari oo labo ka mid ah ay yihiin BMW, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin qalab fududeynaya ka hortaga qaraxyada iyo daba-galka dambiyada.” ayuu yiri taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi Maxamed oo u mahad celiyay dowladda Talyaaniga.