Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Wafdi ka socda IGAD, dowladda Somaliya & Talyaniga oo gaaray Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  magaalada Boosaaso kula kulmay  wafdi balaaran oo ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya, dawladda Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD oo halkaasi gaaray.

C/weli Gaas ayaa sheegay in wafdiga ay u yimaadeen ka qeybgalka daah-furka dhameystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ee Boosaaso oo maalinta Isniinta ah la furi doono, loona sameyn doono munaasabad kale.

Xubnaha wafdiga ee maanta gaaray Boosaaso waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaadiidka dowladda Federaalka, Danjiraha Soomaalia ee dalka Kenya, Xildhibaan Jurille, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Xoghayaha guud ee IGAD iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa maalgeliyay dhismaha garoonka Diyaaaradaha Boosaaso oo Bishii Janaayo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee urur Goboleedka IGAD ayaa xarigga ka jaray waddo laami ah oo gdhan 2km oo isku xiri doonta Dekedda  iyo jidka soddonka magaalada Boosaaso oo ay isna maalgelisey dawladda Talyaaniga.

DAAWO SAWIRRO

IMG_6822IMG_6826IMG_6831  IMG_6839IMG_6841IMG_6844  IMG_6849     IMG_6866  IMG_6871IMG_6872   IMG_6875IMG_6876  IMG_6888  IMG_6897IMG_6903  IMG_6922IMG_6927IMG_6928IMG_6935   IMG_6947  IMG_6950IMG_6952IMG_6956   IMG_6961IMG_6967IMG_6969IMG_6972

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON