Friday, June 27, 2025

SAWIRRO: Wafdigii Dowladda Somalia oo loo diiday in lagu wareejiyo Askartii Itoobiyaanka [Maxaa qabsaday..?]

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wafdigii dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ay gaareen degaanka Gelinsoor.

Wafdigan oo ujeedkoodu ahaa dhexdhexaadinta beelaha ku dagaalamay degaanka Kaxandhaale ayaa howshooda ka bilaabay olole ay u galeen in la sii daayo ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qabtay askar Itoobiyaan oo lagu qabtay dagaalka.

Dadka degaaka Gelinsoor ayaa gacanta ku dhigay laba askari oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo wasiirka arrimaha gudaha sheegay inay doonayeen inay kala dhex galaan dagaalka labada beelood, balse uu qabsaday dagaalka, arrintaas oo ay si weyn uga caroodeen dadka degaanka Gelinsoor.

Wararka ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe ay dadka degaankaasi Gelinsoor ay askarta Itoobiyaanka ku wareejiyeen odayaal ka yimid dowlad Soomaalida Itoobiya iyo saraakiil Itoobiyaan ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Odayaasha Galinsoor iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Dadka degaankaasi ayaa la sheegay inay ka shakiyeen in askarta Itoobiyaanka loo qaado magaalada Muqdisho, waxaana ay si toos ah ula xiriireen dhinaca Itoobiya oo ay ku wareejiyeen askarta, iyadoo wafdiga dowladda loo sheegay in askartaasi ay diyaarad helikobtar ah ka qaaday degaankaasi.

Shaqaaqo kooban ayaa la sheegay inay qabssatay shaay wafdiga dowladda markii ay isku dayeen inay u socdaalaan degaanka Kaxandhaale, kadib markii  lagu rasaas ka dhacay  afaafka hore ee degaanka Galinsoor, waxaana arrintaasi la xaliyey markii danbe.

Wafdigii dowladda ee degaanka Kaxandhaale u tegay waanwaanta nabadeed ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado. Waxaana wararku sheegaya maanta ay degaanka Kaxandhaale ka dhici doonto munaasabad lagu wareejinaayo hub ay leedahay dowladda Itoobiya oo Galmudug lagu heystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON