Xaaldda saxafiga Ismaciil Sheekh Khaliif ayaa degan, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Muqdisho.
Saxafiyiin ku sugan Isbitaalka Digfeer uu ku jiro ayaa soo sheegay in xaaladiisa ay degan tahay, inkastoo dhaawac culus soo gaaray, isla markaana dhaqaatiirtu la tacaalayaan, waxaana dhaawac ugu badan uu ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirka iyo caloosha.
Dhaawaca weriys Ismaaciil Khaliif oo agaasime ka ahaa Idaacadad Hido soo gaaray saxafiga ayaa sababay dhiig bax badan, waxaana lagu sameeyay qalliin, kaasoo lagu guuleystay caawa iyadoo xaaladiisu soo hagaageyso.