Wasiirka Arrimaha dibadda Germany oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa gelinkii danbe ee shalay gaaray magaalada London.
Wasiirka Germany Sigmar Gabriel waxaa socdaalka ku wehliyay wakiilka xogyhayaha guud ee Q/Midoobay Micheal Keating, waxayna booqdeen xerooyinka dadka soo barakacay ee magaalada Baydhaba oo ay u kuurgaleen xaalada aafada abaarta.
Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qaabilay wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Germany oo ay warbixin ka siiyeen howlaha gargaarka ee ka socda Baydhaba.
SAWIRRO