Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Wasiirka Difaaca & Taliyaha Ciidamada Kenya oo booqday Cidamada ka jooga Somalia [Akhri sababta]

Xoghayaha difaaca dowladda Kenya haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida ee Kenya  General Samson Mwathethe ayaa booqday ciidamada Kenya ka jooga Somalia ee ka tirsan AMISOM.

Ujeedka booqashada mas’uuliyiinta uu sareysa ciidamada iyo wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa ahayd inay waqti la qaataan ciidamada Kenya munaasabadda Ciida Masiixiyiinta ee Christmas-ka darteed.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo taliyaha ciidamada dalkaasi ayaa booqday sladhigyada ciidamada Kenya ee Raa kaambooni iyo Buurgaabo oo ku yaalla Gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland.

Madaxda Kenya ayaa khudbado u jeediyay ciidamada ay booqdeen iyagoo ku bogaadiyey howsha ay ka hayaan Soomaaliya oo ka mida sugidda amniga Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON