Weriyaha caanka ah ee Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto) ayaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay xarunta dhexe ee idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga magaalada London, kadib markii UU 16 sano kasoo shaqeeyay. Waxaana munaasabadaasi kasoo qeybgalay shaqaalaha idaacadda BBC laamaheeda kala duwan, saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo isugu jira ajnabi iyo Soomaali.
C/raxmaan Koronto ayaa sheegay mar uu ka hadlayay waxqabadkiisa in barnaamijkii ugu dambeeyay ee uu soo tebiyay ahaa shirkii Istanbul ee wadanka Turkiga, wuxuuna uga mahad celiyay dhammaan bahda idaacadda BBC-da sida ay ula shaqeeyeen mudadii uu hayay xilka tifaftirenimada.
C/raxmaan Koronto oo horay uga shaqeeyay idaacadaha Muqdisho, isla markaana ah khabiir saxaafadeed ayaa sheegay inuu warqadiisa istiqaalada u gudbiyay maamulka sare ee idaacadda BBC-da.
Dhinaca kale shaqo ka tegista ruug cadaaga saxaafadeed ayaa ku soo beegmeysa xilli howlihii idaacadda iyadoo dhowaan xilka tifaftirnimo laga qaaday loona dhiibay Farxaan Maxamed Jimcaale.
DAAWO SAWIRRO