Saxafi kale oo caan ah ayaa ka mid noqdau weriyeyaasha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, xarunta dhexe ee magaalada London.
Saxafiga Aadan Maxamed Cabdi (Saalamiin) oo maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ku biiray Laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Weriyahan ayaa hore uga howlgalayay Telefishanka Universal xaruntiisa London.
Aadan Saalamiin ayaa horaantii sagaashameeyadii ahaa tifaftiraha Wargeyskii Bariga Afrika ee ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho, kaasoo uu markii dambe ka dhaxlay Cawil Daahir Salaad.
Laanta Afsoomaalida ee BBC-da ayaa dhowaan qaadatay weriiyaha kale ee Mowliid Xaaji Cabdi oo isna degan magaalada London.
DAAWO SAWIRRO