Maamulka Ahlu suna ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa mar kale xabsiga u taxaabay saxafiyiin kale kadib markii uu saddex weriye xiray xalay iyo saaka, waxaana wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ahlu suna ay ka wado magaalada olole ay ku xireyso weriyayasha magaaladaasi ku sugan oo au ku eedeyneyso inay jebiyeen amarro ay dhowaan ku soo rogtay.
Laba weriye oo hore leh ayaa maanta xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo C/llaahi Warsame Rooble iyo Leylo Nuur Cilmi oo ka kala tirsanaa Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho Idaacada Codka Bartamaha ee degaankaasi.
Saxafiyiinta u xiran Ahlu suna ayaa hadda gaaraya 5 Saxafi, iyadoo xalayna lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud saddex kale.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]