Wednesday, June 25, 2025

Saxafiyiin u xirnaa shaki muddo laba maalmood ah oo la sii daayay

Weriyeyaal muddo ka badan 48 saacadood ah ku xirnaa magaalada Muqdisho ayaa la sii daayay, iyadoo xoriyadooda dib u helay.

Weriyeyaasha ayaa kala ahaa: Axmed Saleymaan iyo Raxmo Yuusuf waxaana labadii maalmood ee u danbeysay ay ku xirnaayeen Saldhigga Booliiska degmada C/Casiis ee Muqdisho.

Saxafiyiinta ayaa u shaqeeyaa TV-ga Somali Channel, xaruntiisa Magaalada Muqdisho, waxaana xabsiga la dhigay   gelinkii dambe ee Jimcaha, iyadoo laga shakiyay Qalab ay wateen xilli ay ku sugnaayeen Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir oo ay ka furmeysay ciyaaraha maamul Goboleedyada.

Xariga weriyeyaashan ayaa jebinaya xeerka saxaafadda ee dhowaan dhaqan galay iyadoo aan loo marin wax maxkamad ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ee dowlada loogu baahan yahay in wariyaasha marka ay ka shakiyaan ama ay xerayaan in ay ku soo wargeliyaan wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON