Saxafiyiinta ka howlgala degaanada ay ka taliso Ahlu suna-da Gobolada Dhexe ayaa go’aan ku qaatay inay xiriirka u jaraan isla markaana joojiyaan xiriirkii shaqo ee kala dhaxeeyay kooxda Ahlu suna ee maamulka ka dhistay Dhuusamareen.
Shir ay Saxafiyiintan ku yeesheen Guriceel ayay ku shaaciyeen in saxafiyiinta ku sugan Guriceel iyo Dhuusmareeb ay gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay maamulka Ahlu suna ilaa laga wadahadlayo xaaladda ka dhex taagan labada dhinac.
C/qaadir Guure Barre oo ah gudoomiye ku xigeenka weriyeyaashaa shiray ayaa sheegay in go’aankoodu ku saabsan yahay inay joojiyeen xiriirkii ay kala shaqeynayeen Ahlu suna inta laga xalinayo dhibaatooyinka ka dhex jira labada dhinac iyadoo dhowaan Ahlu suna ay xirtay xukun xabsi ahna ku riday weriyeyaal ka howlgala Dhuusmareeb.
Waa markii ugu horeysay oo saxafiyiin ay qaataan inaysan baahin wararka maamulka degaanada ay ka howlgalaan iyadoo noqon karta culeys la saarayo Ahlu suna si ay cadaadiska uga joojiso saxafiyiinta.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]