Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho oo isugu jira ururo saxaafadeed, Dallado iyo saxafiyiin madax bannaan ayaa maanta kulan weyn isugu yimid iyadoo si weyn uga hor yimid go;aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha maxkamadeeda Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ee ahaa in Cumar Faaruuq uu yahay guddoomiyaha NUSOJ, isla markaana doorashadii dhacday ee xilka looga qaaday ay ahayd sharci darro.
Kulanka waxaa ka haldaly xogahaya NUSOJ Maxamed Ibrahim Pakistan, Ismaciil Khaliif oo ah hogaamiyaha Dallada 2011 iyo guddoomiye xigeenka SIMHA Maxamed Barr Xaaji Fiyoore, waxayna dhammaantood si cad uga hor yimaadeen go;aanka maxkamadda sare oo ay sheegeen inuu xaq darro iyo cadaalad darro yahay.
Gadood xoog leh ayaa ka muuqday saxafiyiinta kulanka degdegga ah isugu yimid, waxaana hadaladooda oo ahaa kuwo aad u culus ay ku sheegeen inaysan maxkamadda sare madax u sameyn karin saxaafadda.
Ceydiid Ilkaxanaf ayaa u muuqda inuu hadda dhex galay arrin saxaafadeed cakiran oo muddo dheer socotay, taasoo keeneysa inuu wajaho qaar ka mida saxaafadda.
SAWIRRO
Goobjooge.com