Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la yeeshay Qaar ka mida saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ay hogaaminayeen madaxda cusub ee dhowaan loo doortay ururka NUSOJ.
Kulanka oo khudbado laga jeediyay ayaa guddoomiya NUSOJ Maahir Jaamac ka codsaday in dowladda wax u qabato Weriye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black) oo ka sii dareysa, isla markaana laba qalliin oo lagu sameeyay lagu guuleysan waayay heer uu gaaray inuu fariisan waayo.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday in arrinta weriye Black uu la wareegay ayna dowladdu u qaadi doonto dibadda, waxaana uu sheegay inuu ahaa weriye dhalinyar oo uu aqoon u lahaa.
Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxafiyiinta kala hadlay arrinta ururka Alshabaab, wuxuuna si cad uga dalbaday saxafiyiinta inay iska dhaafaan faafinta wararka Alshabaab oo ay tahay arrin aan dhexdhexaad laga noqon karin.
Goobjooge.com