Shirar magaalada Muqdisho uga socday saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo la filayay in lagu magacaabo guddiga farsamada ee maamulkaasi ayaa la isku afgaran waayay.
Saxiixayaasha oo isugu jira wasiiro iyo wasiir ku xigeeno kasoo jeeda labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo labada guddoomiye gobol ayaa shirarkooda isku mari waayay markii beel kasta ay soo bandhigtay inay dooneyso tirada ugu badan inay ku yeelato guddiga farsamada ee ah howsha ugu horeysa ee maamul u sameynta labadaas gobol.
Wasaaradda arrimaha gudaha oo howsha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe u xil saaran ayaa saxiixayaasha u madax bannaaneysay inay iyagu soo magacaabaan Guddiga farsamada oo ka koobnaan doona 31 xubnood, balse waxaa la filayaa inay soo farageliso kadib markii la isku mari waayay tirada beel waliba ku yeelan doonto guddigaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]