Monday, June 23, 2025

Scotland oo yeelatay Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee Muslim ah iyo taariikhdiisa

Xisbiga wadaniga ee Scotland ayaa maanta Wasiirka caafimaadka Hamza Youssef u doortay hogaamiyahooda, kadib markii ay Nicola Sturgeon iska casishay hogaanka xisbiga, wuxuuuna Hamza ku noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Muslimka ah oo Scotland ay yeelato.

Xamza Yuusuf oo 37 sano jir ah ayaa ka mid ahaa wasiirada Xukuumadda Scotland, waana xildhibaan caan ka ah Xisbiga Qaranka Scotland, isgoo laga soo doorto magaalada Glasgow oo uu ku metelo Baarlamaanka Scotland.

Hamza Youssef waa siyaasi Muslim ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan, wuxuuna muddo 10 sano gudahood dalka Scotland ka noqday shakhsi adag oo udub dhexaaad u ah siyaasadda Scotland, isagoo soo qabtay dhowr jagooyin wasaaradeed oo muhiim ah.

Ad

Xulashadiisa kadib, Youssef wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatooyinka maciishada Scotland iyo soo afjarida khilaafka ka dhex jira xisbiga Qaran ee dalkaasi.

Xamza Haaruun Yuusuf wuxuuuu ku dhashay magaalada Glasgow April 7, 1985, Aabihii Muzaffar Yusuf, ayaa ku dhashay magaalada Punjab ee dalka Pakistan, waxayna isaga iyo qoyskiisa u guureen Scotland sanadkii 1960. Hooyadii, Shaitsa Buta, waxa ay ku dhalatay Kenya, waxayna kasoo jeedaa Qoys ka yimid Koonfurta Aasiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON