Tuesday, June 24, 2025

Seminaar nooc cusub ah oo loo furayo Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta beri loo furo seminaar ku saabsan qaabka wada shaqeynta iyo xiriirinta shaqada hay’adda fulinta ee dowladda. Seminaarkan oo ay ka qeybgalayaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada ayaa sidoo kale noqonaya is barashadii ugu horeysay ee Golaha wasiirada.

gole-wasiiro

Golaha wasiirada xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa tan iyo intii ay xilka la wareegeen waxaa hareeyay shaqo caajis iyo waxqabad darro ka timid iyadoo ay qabsoomi waayeen shirarkii toddobaadlaha ahaa iyo dhaqaale xumo keentay in la waayo kharashaadkii wasaaraduhu ku howlgeli lahaayeen.

Seminaarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shirarkii golaha wasiirada ay baaqdeen labadii toddobaad ee ugu danbeeyay dalkana uu ka maqnaa ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo aan la ogeyn sida howlihii golaha wasiirada u socon doonaan xiliga uu seminaarkan socdo oo la sheegay in maalinta labadeeda gelin uu socon doono.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON