Monday, July 14, 2025

Senator Cabdi Qeybdiid oo sharci darro ku tilmaamay howgalka lagu qaaday Gurigiisa

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka hadlay holwlgal ay maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Imaaraadku tababarray ka fuliyeen Guriga uu degan yahay ee Magaalada Muqdisho.

Isagoo saxaafadda kula hadlay Guriga ay maanta galeen ciidamada ayuu sheegay inay si sharci darro ah ciidamada ku galeen Gurigiisa, isla markaana ay qoryo ka qaateen ilaaladiisa ayna qasaare qalab ka geysteen.

Cabdi Qeybdiid ayaa caddeeyay in Gurigiisa burbur loo geystay qalab dhex yiilay, wuxuuna intaas ku daray  in Ciidamada maanta galay Gurgiisa ay jir dileen mid ka mid ah ilaaladiisa oo xilligaas ku sugnaa Guriga.

Wuxuu sheegay in howlgalka laga fuliyey gurigiisa uu yahay  mid sharci darro ah, oo lagula kacay hoyga xildhibaan ka mida Aqalka sare ee dalka aan ogolaansho la’aanna la geli karin Gurgiisa, xasaanadka uu leeyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON