Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeylo dhaan kasoo saaray ciidamada uu hoggaaminayo Jen. C/llaahi Cali Caanood ee qabsaday magaalada Marko.
Senator Axmed Nadiir ayaa sheegay in shaki badan iyo welwel uu ka muujinayo ciidamada badan iyo hubka uu la baxay Jeneraal Caanood isla markii xilka laga qaaday, isagoo ka digay in hubkaasi u gacan galo caddowga Soomaaliya, sida uu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in howlgalka uu wado Jeneraal Caanood aysan la socon mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose iyo maamulka K/Galbeed, iyadoo howlgalku uu yahay mid u gaara Jeneraal Caanood.
HOOS KA DHAGEYSO