Monday, June 30, 2025

Senator Mareykan ah oo shaaciyey Warbixin ay Sirdoonka Mareykanka ka qoreen Dhaxal-sugaha Sacuudiga

Senator ka tirsan Guddiga Arrimaha dibadda ee Koongareeska Mareykanka Bob Corker ayaa shaaciyey sir ay dilka saxafiga Jamal Kashoqgi ka qoreen Sirdoonka Mareykanka.

Senator  Bob Corker  oo laga soo doorto Gobolka Tennessee, kana mida senatoorada ugu cadcad ee xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in sida ay sheegayaan warbixinnada uu arkey ee ay diyaariyeen Sirdoonka Mareykanka in dilka Jamal Kashoqgi uu ka dambeeyay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, ayna lagama maarmaan tahay tallaabo laga qaado.

Wuxuu intaas ku daray in warka ay faafisay Boqortooyada Sacuudiga  aanay ku kalsoonaan karin, isla markaana aysan jirin cid aamineysa, isagoo sheegay inaysan rabin inuu Sacuudiga xukumo 40 sano uu hadda dhiman nin amray dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.

Senatorka Bob Corker oo ka mida saaxiibada madaxweyne Trump ayaa hore u difaaci kiray xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka, wuxuuna mar qura isbedelay kadib dilkii Saxafiga Jamal Kashoqgi, isagoo qosyka boqortooyada Sacuudiga hore ugu baaqay inay keenaan shaqsi bedela  Mohamed Bin Salman.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON