Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ee kasoo jeeda maamulka Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay Qoraalkii kasoo baxday Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo lagu xiray, laguna mamnuucay inay xildhibaannada Wasiirada ka ah xukuumadda ee kasoo jeeda Puntland xafiisyo ka furtaan Degaanadooda.
Senator-ka ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay Puntland uu ka hor imaanayo dastuurka dalka qodobkiisa 61aad farqadiisa 2aad, kaas oo qeexaya waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada federaalka. “Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020/21 ama in mudanuhu ka fikir siyaasadeedkiisa ka duwan yahay xukuumadda Puntland looma adeegsan karo is hortaagga xuquuqda metelaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo deegaan doorashadooda,” ayuu yiri Senotor Mashruuc.
Madaxda Puntland ayuu ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna xasuusiyey inay Puntland xubin ka tahay Dowladda Federalka, lana mid tahay maamul goboleedyada kale ee dalka, xubno metelana ay ku leedahay dowladda Federaalka.
Go’aanka Puntland ayaa yimid kadib markii Wasiirada Qorsheynta iyo Shaqada xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay xafiisyo ka furteen degaanada laga soo doorto ee Dhahar iyo Goldogob.