Thursday, July 10, 2025

Sh. Aadan Madoobe oo Farmaajo kala wareegay Awoodihii ugu muhiimsanaa ee Madaxweynaha

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa la wareegay qeybo muhiim ah oo o ka mida awoodhihii madaxweynaha ee uu heystay Maxamed C/laahi Farmaajo oo sharcinimada xilkiisu ku ekaa Febraayo 2021.

Aadan Madoobe oo kulan ugu tegay Farmaajo doorashadiisa kadib ayaa qaaday tallaabooyin uu kula wareegayo awoodaha Madaxweynaha, wuxuuna noqday mas’uulka ugu sareeya dowladda oo ay la xiriiraan madaxda Soomaalida iyo kuwa Beesha Caalamka.

Awoodaha uu la wareegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, waxaa ka mida:

1- Amniga Doorashada: Sheekh Aadan Madoobe ayaa Taliyeyaasha ciidamada ku amray inay isaga ka amar qaataan, siiba Amniga Doorashada inta ka hartay (Halkan ka Akhriso).

2- Xiriirka Beesha Caalamka: Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ayaa noqday madaxa ugu sareeya dowladda Federaalka ee ay la xiriiraan, xaaladda dalkana kala hadlaan wakiilada iyo Safiirada Beesha Caalamka.

3- Xiriirka madaxda Soomaalida: Aadan Madoobe wuxuu noqday madaxa ugu sareeya ee ay la kulmaan, safna ugu jiraan musharixiinta iyo madaxda kale ee dalka, isagoo laga sugayo xalka dhaxalkii uu reebay nidaamkii Farmaajo sida xildhibaannada Gedo ee kala qeybsan.

Farmaajo muddo ku dhow sanad iyo dheeraad kursiga ku fadhiyay ayaa hadda dareemaya in awoodii xilka uu hayey ay ka guurtay, iyadoo aanay doorashadiiba dhicin, waxayna taasina ka dhalatay hab maamulkiisii qalalaasaha dhaliyey ee Soomaaliya mar kale qarka u saaray dagaal sokeeye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON