Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kuklankii ugu horeeyay la yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo ahaa soo dhoweyn uu Farmaajo u sameeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo baxay Madaxtooyda lagu sheegay inuu Farmaajo ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Farmaajo uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.
QOdobka kaliya e kulankan looga hadlay ayaa ahaa kala war qaadasho howsha ugu weyn ee Baarlamaanka oo ah Doorashada Madaxweyne cusub.
