Monday, November 28, 2022

Sh. Xasan Daahir: “Waan ku faraxsanahay inay Wiilkeyga American dileen, midka kalena..”

Wadaadka u xiran Dowladda Soomaaliya ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Geerida wiil uu dhalay oo dhowaan lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Gobolka J/Dhexe.

Sheekh Xasan Daahir oo muuqaal uu soo duubay uga hadlay arrintan ayaa sheegay in wiilka laga dilay aanu ahayn midka sawirradiisa lagu baahiyey Baraha bulshada, balse uu ka yar yahay, isago caddeyay inayba ku faraxsan yihiin inuu Mareykanku dilay.

“Wiilkeyga Yaa dilay..? America ayaa dishay, taas ayaan ku faraxsanahay inuu Amerikaan dilay.. Hooyadiis, waxayba rabtay inuu dagaalkii Xabashida ee Iidaale ku shahiido…” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ka sheekeeyay sida wiilkaasi ku dhashay iyo koriinshihiisii.

Ad

Wuxuu si weyn u dhaliilay in loo ooyo ama loo baroorto geerida wiilkiisa. “Waaba ku faraxsanahay annaga, hooyadiis ayaana ugu darran oo la rabtay dagaalkii Xabashida ee Iidale inuu ku shahiido. haddana Alle ayey ku mahdisay, isagoo afar acaruur ah ka tegay inuu gacanta Amerikaanka ku baxo. Shahaado inuu Alle uga dhigo ayaan rajeyneynaa.. meeshuu ku baxay meel ka fiican ma jirto.” ayuuna yiri.

Sheekh Xasan Daahir ayaa caddeeyay in C/llaahi Nadiir oo ka mid ahaa madaxda Alshabaab ee duqeynta lagu dilay uu walaashiis qabo, isla markaana uu ahaa arday uu isagu wax soo baray oo walaalkiis ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!