Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo lagu soo eedeeyay basaasnimo.
Wararka ka imanaya magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka al-Shabab ay halkaasi ku toogteen saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen.
Ragga dilka lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Cabdullaahi Maxamed C/raxmaan, Maxamed Salaad Kaahire iyo Liibaan Xuseen Max’med.
Qaadiga Alshabaab ayaa ku soo eedeeyay denbiga, waxaana la sheegay inay qirteen.
Goobjooge.com