Shacabka tuulada Shabeelow ee Degaanka Bacaadweyne, Gobolka Mudug ayaa maanta dagaal culus la galay Maleeshiyada Alshabaab, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka degaanka ayaa la sheegay inay qaadeen weerarka iyadoo beegsaday dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana dhacday in muddo saddex jeer ah ay labada dhinac dagaalameen, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 12 qof oo labada dhinaca ah, halka dhaawacu ka badan yahay intaas.
Alshabaab ayaa la sheegay inay dagaal faraha looga gubtay kala kulmeen dadka degaanka, iyadoo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen maleeshiyada Alshabaab oo dhowr jeer dagaallo rogaal celin ah ku qaaday dadka degaankaasi.
Dhinaca akle ciidamada militariga Dowladda Soomaaliya, qeybta 21-aad guutada 15-aad ayaa gaaray degaanka dhawaan tagay deegaanno katirsan Halka dagaalka uu ka dhacay, waxaana xiligaas ka socday isla hor imaad dhexmaray Al-Shabaab iyo Dadka Deegaanka.
Dad dhaawacyo gaaray degaanka Shabeellow si ay gacan u siiyaan dadka degaanka, waxaana weli socda rasaas goosgoos ah, iyadoo gurmadka labada dhinac uu isu socdo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi qasaare ku gaarsiisay ciidamada dowladda, kana dishay 9-Askari, inkastoo aanay jirin cid madax bannaan oo xaqiiisay.
Wa markii labaad ee dadka degaanka iyo Alshabaab dagaal qaraar ku dhex maro degaankan oo hore 12-kii Agost ugu dagaalamay deegaankan.