Qeybaha Bulshada deegaanada Guulane, Koosar, Nuur Dugle iyo Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga degmooyinka Aadan-yabaal iyo Cadale ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ayay isu abaabulay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Maleeshiyada degaanka ayaa dagaal kala hortegay kooxda Alshabaab, iyagoo dagaaladii ugu danbeeyay ee ay la galeen ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab. Qaar ka mida raggaan is abaabulay ee qoryaha u qaatay Al-Shabaab ayaa kacdoonkooda ku sheegay inay diidan yihiin amar ay Al-Shabaab ku soo rogeen dadka deegaanka oo ah iaey carruurtooda 8-jirada ka weyn ay ku wareejiyaan.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA