Sunday, July 27, 2025

Shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada oo isugu tegay Baydhaba & Golihii Iskaashiga oo shiraya

Shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada dalka ayaa gaaray  Magaalada Baydhabooo shir uga furmayo maalinta Berri ah.

Madaxweynihii ugu danbeeyay oo ahaa Madaxweynaha maamula Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba, iyadoo ay maanta halkaasi gaareen madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa inuu Shir uga furmo magaalada Baydhaba Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee uu guddoomiyo Madaxweynaha Puntland, kuwasoo intooda badan uu xumaaday xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya ay booqasho rasmi ah uga bilaabtay dalka Qatar, isla markaana uu shirweyne ku saabsan Dib u eegista Dastuurka ka furmay magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON