Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa shaqaalaha dowladda fartay inay joogaan guryahooda, iyadoo si KMG ah loo hakiyay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda, taasoo sabab looga dhigay cudurka Covid-19 ee soo laba kacleeyay.
Shaqaalaha dowladda intooda badan loo fasaxay si looga fogaado is-qaadsiinta cudurka Covid-19, waxaana kaliya xafiisyada Dowladda u shaqo tegaya madaxda iyo shaqaalaha aan looga maarmeyn xafiisyada hey’adaha dowladda.
