Shaqaalaha madaxtooyada oo isu keenay Nin noloshiisa halis ku jirtay & Taliye Boolis oo u hanjabay [DAAWO]

0

Mid ka mida shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa isku keenay muwaadin Soomaaliyeed oo Facebook ku soo bandhigay baaq murugo leh isagoo sheegay in naftiisa halis ku jirto iyo taliye ka tirsan Booliska oo uu ka sheegtay.

Ninkan ayaa Video soo dhigay FB isagoo barooranaya, waxaana arrintaasi dhex galay nin lagu magacaabo Cali Yare oo ka tirsan shaqaalaha cusub ee Villa Somalia, wuxuuna sheegay inuu isu keenay muwaadinkii iyo taliyaha uu ka cabtay.

Sawir laga qaaday muwaadinkaasi iyo taliyihii uu sheegay inuu raadinayo oo is gacan-qaadaya ayaa lagu baahiyay isla FB, iyadoo arrinta , murugada leh ee ninkaasi ka sheegtay dib loo dhigay xalinteeda.

Ninkan oo magacaabiisa ku sheegay Sahal Daahir Cigaal ayaa sheegay in guri uu lahaa uu awood uga qaatay taliyaha Booliska saldhigga Yaaqshiid, isla markaana uu doonayo inuu dilo, naftiisana u baxsan la’ yahay, wuxuuna baaq u diray madaxweyne Farmaajo.

Arrintan oo ka mida kiisas fara badan oo ka jira dalka ayaa tusaale u ah xaaladda adag ee heysta dowlad kasta oo timaada, waxaana shaqadan ay tahay mid Garsoor iyo cadaalad u baahan, balse aanay kiisas shaqi ah wax weyn ka qaban karin saaxiibada madaxweynaha cusub.

HOOS KA DAAWO VIDEO MURUGO LEH