Ciidamada dowladda ayaa ku jira howlgal laguy badbaadinayo shaqaalaha Wasaaradad Shaqada iyo Shaqaalaha oo xaruntooda Muqdisho ay weerar ku galeen dalbey ka tirsan Alshabaab.
Laba qarax oo lagu weeraray xarunta kadib ayay dableyda Alshabaab dhinaca danbe ka galeen Xarunta, waxayna rasaas ku fureen dhismaha iyo dadkii ku jiray oo u badnaa shaqaalaha, iyadoo qaarkood oo dhaawac ah ay ka baxeen, halka qaar kale ay derbiyada iyo daaqadaha ka boodeen.
Ciidamda Booliska ayaa jaranaro saaray dabaqa sare ee Xarunta wasaaradda halkaasoo laga soo badbadiyey tiro shaqaale ah, waxayna dableyda markaasi ka dagaalameysay dabaqa hoose oo ciidamadu la tacaalayeen.
Waxaa weli rasaas laga maqlayaa xarunta Wasaaradda Shaqada ee degmada Shangaan oo u dhow isgosyska Jubba, waxayna wasaaradu u garabka ku heysaa Wasaaradda Howlaha guud oo qasaare gaaray iyo Taliska ciidamada Booliska G/Banaadir
Waxaa ciidamada gurmadka wada hoggaaminaya Taliyaha Booliska Gobolka Benaadir Saadaq Cumar Saadaq Joon, waxaana dagaal dhex marayaa ciidamada iyo dableyda Alshabaab ee xarunta galay iyadoo tiradooda lagu sheegay 4.
HOOS KA DAAWO