Wednesday, June 25, 2025

Shaqaaqo ka dhacday xuduudka Beledxaawo ee Somaliya iyo Kenya iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in is rasaaseyn kooban ay xuduudka ku dhex martay ciidamada Kenya iyo Soomaaliya.

Labada ciidan ayaa la sheegay inay rasaas is weydaarsadeen, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo dhinaca Kenya ku sugnaa, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan cidda rasaasta bilowday iyo sababta keentay shaqaaqada.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu rasaasta bilaabay askari ka mida ciidamada Soomaaliya markii ciidamada Kenya ay dhibaateyn kula kaceen dad Soomaali ah oo ay ka mid ahayd haweeney doonaysey inay ka gudbaan xuduudka.

Ciidamada Kumaandooska ee Gorgor oo ka tirsan xoogga dalka ayaa ku sugan degnada Xuduuda ku taalla ee Beledxaawo, waxaana halkaasi ka jita xiisad colaadeed oo ka dhalatay ciidamada Jubbaland ee ay taageerto Kenya oo ku sugan meel u dhow xuduudka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay xaaladu degan tahay is-rasaaseyntuna muddo kooban ay dhacday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON