Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in howlihii garoonka ugu weyn Kenya iyo Bariga Afrika ee Jomo Kenyatta International Airport ay istaagtay.
Waxa gebi ahaan la joojiyey shaqadii ka socotay garoonka wixii ka danbeeyay 3:00 habeennimo ee saqdii dhexe kadib, iyadoo duulimaadyadii oo dhan la kansalay, kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha Garoonka oo ka cabanaya maamul xumo ka jirta garoonka, qaabka shaqaaleynta iyo qorshe ay maamulka Garoonka kula wareegeyso shirkadda Kenya Airways.
Dad badan ayaa ku xayiran Garoonka oo ay Soomaali ku jirto, waxayna gebi ahaan socon wax shaqo ah, waxaana rakaab badan ay ka buuxsameen gudaha iyo bannaanka garoonka, iyadoo xaaladu ay cakiran tahay., isla markaana tobanaan duulimaad oo tegi jiray ama ka bixi jiray garoonka la baajiyey.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in booliska Kenya iyo shaqaalaha shaqo joojinta wada ay isku dhaceen Booliska, waxaana la qabtay madixii shaqaalaha Garoonka Jomo Kenyatta.
DAAWO SAWIRRO




