Wednesday, June 25, 2025

Shariif Jeeg oo soo bandhigay Musuqmaasuqa Dowladda & isbedelka ku dhacay Farmaajo [Daawo Wareysi xiiso leh]

Shariif Maye Cusmaan (Shariif Jeeg) oo ah jilaa caan ah oo Soomaaliyeed ayaa dib ugu laabtay dalka Mareykanka oo uu degan yahay, isagoo faahfaahin ka bixiyey wixii uu ku soo arkay magaalada Muqdisho.

Shariif Jeeg oo muddo taageere u ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka sheekeeyay musuqa baahsan ee ka jira dowladda Soomaaliya iyo qaabkii lagu xiray wiilkiisa oo ahaa guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg, wuxuuna caddeeyay inuu musuq hareeyay dowladda, Farmaaja-na la isku wareejiyey oo isbedel weyn ku dhacay.

Wuxuu sheegay in laga hor istaagay la-kulanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo shaaciyey inuu soo bandhigi doono riwaayad la magac baxday “MUSUQMAASUQ WAA SOOMAALI MEHERADEED” ka hadleysa sida uu isu bedelay madaxweyne Farmaajo iyo waxa ka socda dowladda Soomaaliya dhexdeeda.

HOOS KA DAAWO WAREYSI XIISO LEH

https://youtu.be/aER7H_mJxSQ

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON