Thursday, June 26, 2025

Shariif Xasan iyo Gen. Muungaab oo si weyn uga dhex muuqda ololaha Mooshinka (XOG)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Xasan Xuseen Mungaab ayaa markale si weyn uga soo dhex muuqday ololaha mooshinka lagu doonayo in lagu rido Ra’iisal wasaare C/Weli Sheekh Axmed. Muungaab ayaa la xaqiijiyay inuu lacag kale u ururiyay kooxda madaxweynaha kadib markii uu xiriir la soo sameeyay madaxweynaha.

MUN-SHARGanacsato iyo guddoomiyaha Gobolka ayaa lacagta ay ururiyeen waxay gaareysaa 1.5 Milyan oo doolar ( Hal Milyan iyo Bar Doolar) lacagtaas oo durba loo adeegsaday in xildhibaanno cusub lagu soo biiriyo kooxda madaxweynaha ee dooneysa inay xilka ka tuuraan Ra’iisal wasaare C/weli.

Gen. Muugaab ayaa siyaabo kala duwan lacagahan ku keena, waxaa ka mida inuu khasnada Gobolka ka bixiyo iyo in hanti qaran lagu bedesho lacag iwm. Waana markii labaad ee  guddoomiyaha Gobolka kasoo dhex muuqda mooshinkan, iyadoo markii koowaad ee bilowga mooshinka uu ahaa mid ka mida dadkii lacagtooda ugu qeybiyay lacagihii la siiyay xildhibaanada saxiixay mooshinka.

Madaxweynaha maamulka Konfur Galbeed Shariif Xasan ayaa isna Muqdisho ku yimid isla qorshe salka ku haya mooshinka markii ay u yeerteen kooxda madaxweynaha. Shariif Xasan ayaa ololaha dhinaciisa uga jira isagoo xildhibaanada Digil & Mirifle qaar kamida ku cadaadiyay inay ku biiraan kooxda madaxweynaha. Shariif Xasan oo isbaheysi la la leh madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horeba taageerayaashiisa ugu biiriyay kooxda madaxweynaha.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON