Thursday, June 26, 2025

Shariif Xasan oo Dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka u gudbiyey Wakiilada Q/Midoobay & Midowga Afrika

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaluya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira ayaa kulanka ay la qaateen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mida wasiiradiisa uga wadahadlay xaaladda maamulkaasi, doorashada ku soo fool leh iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Shariif Xasan ayaa si weyn u eedeeyay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso doorashada Koonfur Galbeed, waxayna cabashadooda gaarsiiyeen wakiilada UN-ka iyo Midowga Afrika oo socdaal ku maray maamul Goboleedyada.

Wafdiga Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa hore u soo maray magaalooyinka Kismaayo iyo Jowhar oo ay kulamo kula soo yeesheen madaxda maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON