Monday, July 14, 2025

Shariif Xasan oo Halis Amni soo food saartay & Isbedel lagu sameeyay Ciidamada ilaalada u ahaa

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inay halis amni soo food saartay, taasoo keentay inuu isbedel ku sameeyo ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulkiisa.

Kulan dhex maray Shariif Xasan iyo la-taliyeyaashiisa ayaa Shariif Xasan lagu wargeliyay in ciidamada ilaaliya madaxtooyada aanay ahayn kuwo la isku halleyn karo, waxaana go’aan ka soo baxay shirkaasi lagu eryay  sarakiisha iyo ciidamadii ilaalada Shariif Xasan, iyadoo kuwo cusub loo sameeyay.

Ciidamadii ilaalada ee madaxtooyada Koonfur Galbeed, magaalada Baydhaba ayaa lagu isugu geeyay xero ku taalla magaalada Baydhabo, waxaana madaxtooyada magaalada Baydhaba la wareega ciidamo cusub.

Wararka ayaa sheegay in saraakiisha iyo ciidamadii madaxtooyada ee amniga Shariif Xasan qaabilsanaa lagu tuhmay inay taageersan yihiin musharax la tartamaya Shariif Xasan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON