Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa heshiis la galay shirkad Amni oo calooshood u shaqeystayaal ka howlgalaan, taasoo lagu magacaabo FSG taasoo hore lo oran jirey Blackwater.
Ninka asaasay shirkadda Erick Prince ayaa sheegay inay maamulka Koonfur Galbeed ka taageeri doonaan dhinacyada ammaanka, duulista iyo dib u dhiska.
Sida qortay Wakaalada Wararka Rueters Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan ayaa sheegay in heshiiska uu la galay shirkadan ay qeyb ka tahay sidii loo soo jiidan lahaa maalgashtayaal shisheeye.
Shirkadda FSG oo hore loo oran jiray Blackwater ayaa fadhigeedu yahay jaziirada Hong Kong, waxayna tacadiyo dad badan lagu laayay ka geysatay dalka Ciraaq, iyadoo leh dagaalamayaal calooshood u shaqeystayaal ah oo dunida oo dhan ka kala yimid, hore u ahaa ciidamo.
Ninka madaxda ka ah shirkadan Erick Prince ayaa laf ahaantiisa hore u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka loona yaqaan US Navy SEAL , wuxuuna magaca ka bedeley shirkadii Blackwater ee fadeexada ka raacday dalka Ciraaq, isagoo ku bedelay FSG.
Lama oga shirkad noocaasi ah waxa ay ka qaban doonto degaanada Koonfur Galbeed, laakiin qoraalka soo abxay heshiiska labada dhinac kadib ayaa lagu sheegay in Mashaariicda laga hirgelin doono Koofur Glabeed ay ka mid yihiin qorshe isku xiran oo lagu ammaanka dhulka, cirka iyo badda.