Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed eeSoomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa bilaabay magacaabidda guddoomiyeyaal cusub oo ay yeelanayaan degmooyinka gobolka Sh/hoose, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee maamulka K/Galbeed uu awood ku yeesho gobolkaasi oo muran badan ka jiro dagaalo beeleedna ay ka dhaceen.

Guddoomiyeyaal cusub ayaa loo magacaabay degmooyinka Marka ee xarunta Gobolka iyo Afgooye oo ah labada degmo ee ugu waaweyn gobolka Sh/hoose. Hore ayuu Shariif Xasan u bedelay guddoomiyeyaasha gobolka Bay oo uu ka mid ahaa degmada Baydhaba.
Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Koofur Galbeed C/raxmaan Satte ayaa sheegay inay isbedel ku sameynayaan Maamulada Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose iyo 18-ka Degmo ee Maamulkooda hoos yimaada. waxaana la filayaa in sidoo kale isbedel lagu sameeyo guddoomiyeyaasha saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Sh/hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo ah mas’uulka ugu waqtiga dheer ee guddoomiye gobol ah ayaan weli xilka laga qaadin iyadoo laga cabsi qabo in xiisad ka dhalato arrintaasi. Siidii ayaa xilka haya ilaa dowladii C/llaahi Yuusuf isagoo ka mid ahaa dadka ciidamada Itoobiya la socday.
Guddoomiye Siidii oo ah nin galgal badan ayaa dowladihii isaga danbeeyay talada ku guuleysan waayeen inay xilka ka qaadaan, waxaana hadda muuqata inay Shariif Xasan ku adkaatay xil ka qaadista guddoomiyaha Sh/hoose.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]