Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta markii labaad ka badbaaday, qarax miino oo lala eegtey kolonyo gawaari ah oo uu la socdey xilli ay marayeen inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Carbiska, waxaana qaraxu qabsadey mid kamid ah gawaaridii la socotay wafdiga Shariif oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa gobolka Sh/Hoose.
Waa markii labaad ee Shariif Xasan ka badbaado weeraro ay u soo maleegaan kooxda Alshabaab iyadoo magaalada Baydhaba ay xarunta madaxtooyadiisa weerareen xilli uu ku sugnaa, weerarkaas oo ciidamada Itoobiyaanka ay ka difaaceen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]