Thursday, June 26, 2025

Shariif Xasan oo Muqdisho uga dhawaaqay inuu mar kale u sharxan yahay Madaxweynaha K/Galbeed

Madaxweynaha waqitigiisu sii dhammaanayo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho inuu mar kale u sharxan yahay  madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa kulan qado ah kula yeeshay magaalada Muqdisho qaar ka mida xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira K/Galbeed, wuxuuna ka dalbaday inay ku taageeraan musharaxnimadiisa, isagoo sidoo kale ka codsaday ineysan isu sharxin xilkaasi oo ay isaga u daayaan.

Wuxuu sheegay in doorashada Madaxweynaha K/Galbeed ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay ee 17-ka bisha November ee sanadkan 2018 oo ay ku eg tahay mudadda xilkiisa.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si mugdi ku jiro ay ergo ku dooratay 17-kii November ee sanadkii 2014 magaalada Baydhaba, wuxuuna markaas kadib ahaa mas’uulka kaliya ee aan lahayn madaxweyne ku xigeen, isagoo intii uu xilka hayey diiday inuu magacaabo ku xigeen, taasoo ahayd qodob ka mida Dastuurka maamulkiisa.

Shariif Xasan ayaa ku doodaya inuu inuu wax badan u qabtay K/Galbeed, soona gaarsiiyay meel sare, basle waxaa jira xaqiiqooyin muujinaya inuusan maamulkiisa soo dhaafin Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON