Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shriif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay xayiraadda Mareykanka ka qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.
Wuxuu soo dhaweeyey in liiska argagixisada ee Mareykanka laga saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka tirsanaa madaxdii kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in tallaabadaas ay wax weyn ka bedeli karto nabad ka dhacda gobollada Koonfur Galbeed.
Shariifka ayaa dhinaca kale sheegay in haddii Abu Mansuur uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ay noqon lahayd arirn wanaagsan, wuxuuna sheegay inuu la xiriir doono uu la hadli doono.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-DA