Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhaba
kadib socdaal uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa bilaabay inuu kala furfuro xildhibaanada wada mooshin ay xilka uga qaadayaan gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhunaa.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo la qaaday mas’uuliyiinta maamulkiisa iyo xildhibaano badan isagoo dalbaday in la soo afjaro shirarka iyo kacdoonka ay wadaan qaar ka mida xildhibaanada maamulkiisa.
Xildhibaano gaaraya 40 oo ka tirsan baarlamaanka K/Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiye C/qaadir Shariif oo iyagoo ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo intuu xirtay shaqadii Baarlamaanka.
Madaxweynaha K/Gdalbeed oo saaxiib dhow la ah guddoomiyaha ayaa lagu wadaa inuu kala daadiyo kacdoonk xildhibaanada maamulkiisa oo ku soo beegmay xilli adag oo lagu jiro diyaar garowga doorashada 2016 oo Shariifku isu diyaarinayo musharax.
Goobjooge.com