Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa difaacay go’aanada Madasha Qaran ee arrimaha Doorashooyinka.
Wareysi uu siiyay VOA ayuu ku caddeeyay inuu yahay musharax madaxweyne maamulkiisana u ogolaadeen inuu u tartamo, isaguna uu doonayo inuu Soomaaliya ku hogaamiyo cadaalad.
Wuxuu ku dooday in Madasha Qaran ay wax badan qabatay isla markaana dadaal badan ay gashay, isla markaana aysan suuragal ahayn in dadka oo dhan la wada qanciyo, maadaama qofkii laga guuleysto uu dacwo qaba.
Shariif Xasan oo soo maray dalka Itoobiya kadib markii uu Cumro u tegey Sacuudiga ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA