Sunday, June 22, 2025

Sheekh Aadan Madoobe: Guddoomiyihii Baarlamaan ee noqday Madaxweynaha Somaliya

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho xilli danbe ka dhacday xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho 28 April 2022.

Shekh Aadan kuma cusba siyaasadda wuxuuna hore u soo noqday gudoomiye Baarlamaan dowladii KMG ahayd, laakiin wuxuu mar kale soo laabtay isgoo ka mida mucaaradka dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cllaahi Farmaajo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Waa 59 sano jir dhinaca Diinta kasoo wareegay oo markii hore ka mid noqday Jabhadii RRA oo uu Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ka noqday, isgoo kadibna ku biiray Dowladdii KMG aheyd.

Ad

2007 ilaa 2010 wuxuu noqday Wasiirka Cadaaladda Xukuumadii KMG ahady iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah.

Aadan Madoobe waa Guddoomiyaha Baarlamaan ee kaliya ee noqday Sii-hayaha Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008.

Wuxuu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya muddo bil ah, waxaana 31-kii bishii Janaayo 2009, dalka Jabuuti lagu doortay inuu madaxweyne cusub dalka ka noqdo Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku qasbanaaday inuu iska casilo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka May 25, 2010, markii uu khilaaf dhex maray xukuumadii Cumar C/rashiid, kadibna Baarlamaankii loo fariisiyey oo sidaa xilka looga qaaday.

mar kale ayuu January 2014, Sheekh Aadan waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay xukuumadii Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.

Mar kale ayuu Aadan Madoobe noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka, isagoo xilka heyn doona 2022 ilaa 2026, waxaana guushiisa qeyb weyn ka qaadaty, sida looga niyad jabay dowladii uu hoggaaminayey Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dalka gelisay qalallaase siyaasadeed iyo amni.

Aadan Madobe
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON