Tuesday, July 1, 2025

Sheekh Aadan Madoobe oo Shir degdega ugu yeeray Madaxda iyo Taliyeyaasha ATMIS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa kulan degdega ugu yeeray maaxda iyo Saraakiisha Sare ee ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ATMIS.

Kulankan waxaa ka qeyb galay ku-xigeenka ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Waxaa kulanka looga hadlay xaqiijinta Amniga Doorashada Madaxweynaha oo lagu wado inay dhacdo 15-ka bishan 2022, iyadoo Amniga gebi ahaan lagu wareejiyay ATMIS.

Guddoomiyaha Golasha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ATMIS ku booriyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON